Dawlada shiinaha oo sheegtay inaysan illoobi doonin abaalkii Soomaaliya ay dalkooda u samaysay
Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha, Wang Yi ayaa sheegay in dalkiisa uu xiriir dhow oo dhinaca dhaqalaaha iyo ganacsiga ah la yeelanayo Soomaaliya, isagoo xusay inay ka qaybqaadan doonaan dib u dhiska Soomaaliya.
Hadalkan ayuu Wang ka sheegay kulan uu shalay oo Talaado ahayd la yeeshay ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo dalka Shiinaha ku joogta booqasho hal toddobaad qaadanaysa.
“Shacabka Shiinuhu weligood ma illoobi doonaan in Soomaaliya ay ahayd dalkii ugu horreeyay oo ku yaalla Afrika oo ay xiriirka dublamaasiyadeed yeeshaan, waxaana xusuusannaan in Soomaaliya ay ka mid ahay dalalkii udub-dhexaadka u ahaa in Shiinuhu uu ka mid noqdo dalalka joogtada ah ee Qaramada Midoobay,” ayuu yiri Wang oo intaas ku daray inaysan waxba iska bedelin xiriirkii uu Shiinuhu la lahaa Soomaaliya.
Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Shiinuhu wuxuu sheegay in dalkiisu uu ka taageerayo Soomaaliya dib u dhiska kaabayaasha blushada iyo sidoo kale soo celinta ammaanka guud ee dalka.
Comments
comments