read more »">
Calendar

Dawlada Maraykanka oo shaacisay inay baadi goobayso Abuu Mansuur Alamriiki

ap_omar_hammami_ll_120517_wgDowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay wali ku raad-joogto Cumar Shafiq Hamaami oo loo yaqaano Abuu mansuur Al-Amriiki, kaasoo maalmo ka hor ku dhawaaqay inuu ka baxay Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.

War ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa looga jawaabay hadalkii Abuu Mansuur Al-Amriiki, iyadoo lagu sheegay in Cumar Xamaami oo ah muwaadin u dhashay Mareykanka uu Soomaaliya u tagay inuu ku biiro Al-Shabaab kana go’neyd.

Waxaa uu ku eedeysanyahay inuu gacan weyn ka siiyay Al-shabab, oo uu Mareykanka u aqoonsanyahay argagixiso, howlgaladii milatary iyo ololiha dacaayadaha kooxda ee dhinaca warbaahinta.

Bishii July 29kii sanadkii 2011kii, ayey dowladdda Mareykanka ku dartay Xamaami liiska dadka Marykanka u dhashay ee loo doon doonayo falalka argagixisada, ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SDN).
Qodobka sharci ee loo cuskanyo Liiskaasi ee tirsigiisu yahay -13536- ayaa faraya in laga mamnuuco oo laga xanibo hantida, shaqsiyaadka u dhashay mareykanka, ee macaamil maaliyadeed la sameeya, si toos ah iyo si aan toos aheynba – shaqsiyaadka ama hay’adaha falalkooda ay si toos ah halis ugu hayaan nabadda, iyo xasiloonida Somalia.

Abuu Mansuur Al-amriiki ayaa waxaa lagu daray liiskaasi shaqsiyaadka loo aqoonsaday inay halis ku yihiin nabadda Somalia, sida ku xussan qodob sharciyeedka mareykanka ee tirsigiisuyahay – 13536- iyo inuu sidoo kale taageeray ururka Al-shabab, oo sida ku xussan xeerka numbarkiisu yahay 13226- Mareykanku uu u aqoonsanyahay urur Argagixiso oo shisheeye.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: