Dawlada Kenya oo si rasmi ah ugu dartay Alshabaab liiska madow ee kooxaha argagixisada
Dowladda Kenya ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in Xarakada AL-Shabab ay ku dartay Liiska 46 Urur ee Weerarada ka gaysta gudaha dalka Kenya iyo waliba geeska Africa.
Warbixin ay soo saartay Madaxa Maxkamadaha ee dalka Kenya Attorney Githui Muigai ayaa sheegay in Xarakada AL-Shabab ay kamid noqotay Ururada Weerarada Argagaxiso ka fuliya dalka Kenya, sidaas darteedna ay dowladda Kenya ku dartay Liiska Argagaxisada.
Xarunta dambi Baarista Qaranka ee marka Magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano (NCRC) ayaa sheegtay in AL-Shaabab ay ku sugan yihiin Deegaanada ku teedsan Xuduudka uu Kenya la wadaago Soomaaliya, ayna si joogta ah Weeraro uga soo qaadeen dalka Kenya.
Xarunta dambi baarista Qaranka Kenya ayaa waxa ay intaasi ku dartay in AL-Shabab ay Xarun ku lee yihiin Magaalada Nairobi halkaas oo ay kasoo abaabulaan Qaraxyadda iyo Weerarada ay ka gaystaan dalka Kenya.
Comments
comments