Calendar

Dawlada Kenya oo si kulul u beenisay tababartay ciidan oo ay soo afjarayso Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya.

kenyaBartamaha(Nairobi):-Wasaarada Difaaca Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in aanay marnaba tababar siinin Ciidamo ka mida Dowlada KMG ah eEe Soomaaliya.

Yusuf Xaaji Wasiirka Wasaaradda Difaaca dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inay tababareen ciidamo ay leedahay dawlada KMG xilli ay soo baxayaan in ciidamo ka tirsan dawlada oo gaaraya 2,500 oo askari uu tababar ugu soo dhamaaday magaalada Isiolo Ee Wadanka Kenya.

Wasiirka Gaashaandhiga oo la hadlayay wargeyska The Daily Nation oo magaalada Nairobi ka soo baxa inaysan jirin wax ciidamo ah oo Wasaradiisu ka war qabto oo tababar loogu soo gabagabeeyay ama lagu tababaray gudaga Dalka Kennya .

 Dhanka kale wasiir ku xigeenka Wasaarada amniga gudaha dalka Kenya Orwa Ojodeh oo isna la hadlay wargeyska The Daily Nation ayaa waxaa uu sheegay inay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in Kenya ay tababartay ciidamo ay dawlada Somalia leedahay waxaana uu intaa ku daray inaysan jirin wax hishiis ah oo la xiriira tababarida cidamada oo ay la galeen dawlada KMG.

Hadalkaan ka soo baxay dawlada Kenya ayaa waxaa uu imaanayaa xilli maanta qaar ka mid ah warbaahintu ay baahiyeen in magalada Isiolo uu tababar ugu soo dhawaaday ciidamo dawlada KMG leedahay oo 2,500 oo askari gaaraya.

Isku soo duub Dowlada Kenya ayaa inta badan waxa ay ka gaabsataa in ay tababar siinayso Dowlada Soomaaliya ciidamadeeda iyadoo dhowr jeer arintaasi ay ka dhalatay isqabqabsi xoogan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: