read more »">
Calendar

Dawlada Itoobiya oo sheegtay inay taageerayso nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya qaadatay

TDasaeDawlada Itoobiya ayaa shaacisay inay si rasmi ah u taageersantahay nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya ay xilligan qaadatay kaasoo ah federaalka.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa cadeeyay in nidaamka federaaliga ah ee Soomaaliya inuu yahay midka kaliya ee Soomaalida ay ku midoobi karaan maadaama ay soo mareen xaalad adag oo daba dheeraatay.

Hailemariam ayaa hadalkaan ka sheegey kulan uu shaley madaxtooyada dalkaasi kula qatey madaxweynada dowladda Puntland ee Soomaaliya Cabdirixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole.

“Rai’sul Wasaaraha Ethiopia wuxuu hoosta ka xariiqay in Ethiopia iyo dhammaan Dowladaha Urur-Goboleedka IGAD ay taageersan yihiin in dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya lagu saleeyo Dastuurka Federaalka iyo hirgalinta nidaamka Federaalka, sida dhisida Maamullada Federaaliga ah (States)”ayaa lugu sheegey war-saxaafadeed kasoo baxay kulanka madaxweyne Faroole iyo R/wasaare Hailemariam.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: