Dawlada Itoobiya oo sheegtay inay sii wadi doonto taageerida xasiloonida Soomaaliya
Qoraal ay soo saartay dawlada Itoobiya ayaa lagu sheegay in dhawaantan kulan ku dhexmaray Addis ababa madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeday Brussels iyo wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya Tedros Adhanom looga hadlay sii xoojinta xiriirka adag ee labada dal.
Itoobiya ayaa markale ku celisay inay ka go’antahay taageerida xasiloonida Soomaaliya.
Waxaana lagu sheegay qoraalka in madaxweynaha Soomaaliya uu codsaday in xiriirka labada dal lasii ballaariyo oo laga wada shaqeeyo sidii la isugu xiri lahaa xiriirka ganacsi,kan dhisme iyo midka bulsho ee gobolka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu ku sii jeeday magaalada Brussels sii maray Addisababa oo uu kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo sii sagoontiyay wafdiga madaxweyne Xassan Sheekh.
Comments
comments