Dawlada Itoobiya oo shaacisay in Soomaaliya aysan xasilayn inta Eritrea ay faragalinta ku hayso
Dowladda Itoobiya ayaa sheetay in Soomaaliya oo dagta ay adkaan doonto inta ay faraha waddankaas kula jirto dawlada Eritrea oo ay ku eedaysay inay taageero aan qarsoodi ahayn siiso kooxda Alshaab oo ay Itoobiya ku tilmaantay inay tahay Alqaacidada bariga Afrika.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti ayaa ka sheegay Addis Ababa in howlgallada nabad ilaainta ee Soomaaliya ee ay ka mas’uulka tahay Midowga Afrika aysan noqon doonin kuwo miro-dhal ah inta Asmara ay taageerada Al-shabaab ku waddo.
Itoobiya waxaay codsatay in tallaabo deg-deg ah laga qaado Eritrea oo ay ku tilmaantay inay ka wado xasillooni darro gobolka geeska afrika.
Eritrea ayaa horay qaramada midoobay ugu eedaysay inay taageero siiso qabqablayaal dagaal oo iyada ug shaqeeya gudaha waddanka Soomaaliya.
Balse dawlada Eritrea ayaa si isdaba joog ah uu beeninaysay eedaymaha uga imaanaya qaramada midoobay iyo Itoobiya.
Comments
comments