Dardaarano u Gaar ah Bisha Dul-Xaj Q-2aad
Waxaan Qeybtaana kusoo Bandhigeynaa Axkaamta Udxiyada, taasoo ah Axkaam ku Gaar ah Bishaan Dul-Xaj laga Bilaabo Maalinta Ciidda ilaa sadaxda Maalin ee ka dambeysa, taasoo ah Cibaado aad u qiimo badan laguna weyneynayo Gudashada Waajibka Xajka oo ah Mid ka mid ah Arkaanta Islaamka.
Axkaamta udxiyada
Udxiyada waa Xoolaha loo Goowraco Ciidda darteed maalinta ciidda ah iyo sadaxda maalin ee ka dambeysa (11-12-13 Dul-Xaj) Cibaado ahaana loola jeedo in ilaahey loogu dhawaado waxa uuna qur’aankiisa allaah ku yiri:-
((Ùصل لربك وانØر (وَالْبÙدْنَ جَعَلْنَاهَا Ù„ÙŽÙƒÙÙ… مّÙÙ† شَعَائÙر٠اللَّهÙ)
Waana sunno aad u muhiim ah mana wanaagsano inuu ka tago qof waliba oo awood u leh, nabiga suubana kama tagin inuu udxiyo la baxo mudadii 10ka sano ee uu joogay magaalada Maadaiina: sidaa darteed waxa ay Culimaudiinka yiraahdeen waxaa xataa u banaan qofka awooda inuu deyn qaato iskana bixin kara inuu qaato si uu udxiyada u baxsado oo ajarkeeda u dhaafin.
Muslimiintuna waxa ay ku mideysan yihiin sharci ahaanta udxiyada, waxa uuna gowraca udxiyada biloowdaa salaada ciidda kadib Sida uu cadeeyay Nabigasuuban :-
من Ø°Ø¨Ø Ø¨Ø¹Ø¯ الصلاة Ùقد تم نسكه وأصاب سنة المسلمين
Qofkii gowracaa salaada ka dib udxiyadiisa uu u ansaxday, sunnadii muslimiintana wuu haleelay)
Shuruudaha udxiyada
Udxiyada waa ineysan afar dhaliilood midoodna lahaanin Sida uu cadeeyay Rasuulka sharafta leh (SCW);-
أربعة لا تجزئ ÙÙŠ الأضاØÙŠ : العوراء البين عورها , والمريضة البين مرضها والعرجاء البين ضلعها, والعجÙاء التي لا تنقي
1-       Ineysan ahaan mid il la’a si muuqato
2-Â Â Â Â Â Â Â Ineysan bukin Jiro muuqato
3-       Ineysan lug la’aan oo jiisnimo aysan ka muuqan
4-       Ineysan aheyn caato daran oo dhuux aan laheyn
Sidaas darteed dhaliil ka sii weyn afartaasna waa ineysan qabin
Waxaa wanaagsan qofka yaqaan gowraca inuu asaga gacantiisa ku gowraco sida Nabigaba (SCW) gacantiisa ugu gowracay asaga oo magacaabaayo allaah ka dibna naftiisa iyo ehelkiisa ama cidda u wakiilatay
- بسم الله ألله أكبر, اللهم هذا عن Ùلان - qofkii aan gowraca aqoonin waxaa haboon inuu joogo meesha lagu gowracaayo udxiyadiisa hadii u awoodo, sidoo kale waxaa wanaagsan inuu qeybka Cuno qeybna u Hadiyeeyo Qaraabada & Dariska, Masaakiintana wax kaga sadaqeeyo  Â
(ÙÙŽÙƒÙÙ„Ùوا Ù…Ùنْهَا وَأَطْعÙÙ…Ùوا الْبَائÙسَ الْÙÙŽÙ‚Ùيرَ) ( ÙÙŽÙƒÙÙ„Ùوا Ù…Ùنْهَا وَأَطْعÙÙ…Ùوا الْقَانÙعَ وَالْمÙعْتَرَّ)
Baraarujin:Waxaa u haboon qofka baxsanayo udxiyada inuusan jarin Wax ka mid ah cidiyadiisa ama timahiisa marka ay bilato bisha Dul- Xaj, hadii uu jarana wax kamid ah waa inuu illaahey u towbad keenaa udxiyadiisuna waxba uma dhimeyso, hadii uu iloobo ama dan ku kaliftana waa jari karaa waxaana sidoo kale ka reeban inuu iibiyo xubin kamid ah neefka udxiyada ah amaba uu kiro ahaan u siiyo midka xoolaha gowracaayo.
Waxaa sidoo kale Muhiim ah in Midida Neefka lagu Gowracayaa af badan lahaato si uusan Neefka Cadaab u Mudan, uuna Gowracaa Qof aqoon u leh Hab Gowraca.
Waxaa diyaariyay Calinuur xoogsade
عيدكم مبارك وكل عام وأنتم بخير
Comments
comments