Calendar

Dardaarano Ku Gaar ah Bisha Dul-xaj (Q 1aad)

hajjBishaan Dul-Xaj waxey ka mid tahay Bilaha Xormada leh , waxeyna lagaar tahay inay Xamabaarsan tahay Maalmo gaar ah iyo Camalo waa waeyn, waxaanu uu illaah (CW) Bishaan maalmaha ugu horeeya ku sheegay in ay aad u Fadli badan yihiin welibana waa uuu ku dhaartay taasoo tuseya Weynida Tonamka Habeen ee u horreaya Bishaas

 {وَالْفَجْرِ (1)وَلَيَالٍ عَشْرٍ (2)وَالشَّفْعِ وَالْوَتْرِ (3)وَاللَّيْلِ إِذَا يَسْرِ (4)هَلْ فِي ذَلِكَ قَسَمٌ لِّذِي حِجْرٍ (5)}

 [الفجر:1-5]

Hadaba si aan uga Faaiideysano waxaan isu dardaarmeynaa arimahaan Soo Socda:

 

Dardaaranka Koowaad waa: in laga Faaiideysto maalmahaan ugu horeeya Bisha Dul-Xaj inta eysan dhamaan, maxaa yeelay Nabiga Suuban (SCW) waxaa uu sheegay ineysan jiran Maalmo uu illaah (CW) Camalka Suuban ka jecel yahay Tobankaan Maalin

(ما من أيام العمل الصالح فيهن أحب إلى الله من هذه الأيام العشر)

Waxaa Rasuulka (SCW) Saxaabada weydiisay Xataa maka Fadli Badan yahay Jihaadka loo galo Illaah Dartiis. (يا رسول الله، ولا الجهاد في سبيل الله؟)

Waxaa uu ku jawaabay Rasuulka(SCW): Xataa Jihaadka loogalo illaah Dartiis, marka laga reebo Ruux Labaxay Naftiisa iyo Maalkiisa ee aan midna kala soo noqon

( ولا الجهاد في سبيل الله، إلا رجل خرج بنفسه وماله ، فلم يرجع من ذلك بشيء)

[رواه الترمذي وصححه الألباني]

Xadiiskaan waxaa uu tusayaa: Camalada Suuban ee Maalmahaan Tobanka ah Dhexdooda la Sameeyaa waxa ay ka Fadli Badan yihin Toban Maalin ee aan Bishaan Bilaawgeeda aheyn Camalka lagu sameeyo.

Waxaa kaloo Xadiiskaan na tusayaa: in Jibaaro Camalada Suusuuban Tobankaan Maalin inta lagu jiro, nooc kasta oo uu ahado Camalka Suubanu.

Saidaa darted Salafkii Suubanaa aad ayay u weyneyn jireen Tobaankaan Maalin ee Dul-Xaj ugu Horeeya.

 

Waxaa uu yiri Sh Layiraah Abuu Cuthmaan AlNahdi{Allaha u Naxariistee}: [Salafka Suubanu waxa ay weyneyn jireen Sadax Tobonaad: Tobanka Dambe ee Ramadaan, Tobanka Hore ee Dul-Xaj, iyo Tobanka Hore ee Muxaram]

كانوا يعظمون ثلاث عشرات: العشر الأخير من رمضان، والعشر الأَوَّلَ من ذي الحجة، والعشر الأَوَّلَ من المحرم) )

Hadaba waxaa ay Ahlu Cilmiga yiraahdaan waxaa haboon Maalmahaan in la badiyo Camalka Saalixa ah sida Sunnooyinka , Sadaqada,  iyo Guud ahaan Camalada Suusuuban oo dhan Sida Baarinimada Waalidka, in la Badiyo Xuska Illaah (Cw), Aqrinta Qur’aanak iyo Soonka.

Dardaaranka Labaad ee looga Faaiideysan kari Maalmahaan Barakeysan waa: in la ilaaliyo Sunnaha Nabiga Suuban (SCW) iyo Camalkii Saxaabada [allaha ka raali noqdee], maxaa yelay Sunnada oo lagu Camal falaa aad ayay ugu ajar badan tahay Camalka aan Saunnaha waafaqsaneyn, sidoo kalana waa in Maalmhaan aad looga Dhowrsadaa waxyaabah illaah (CW) Xarimay oo aanan lagu dhiiran khilaafitaanka Sharceeda Islaamka.

Waxaayabaha Sunnaha waafaqsan ee loo baahn yahay in la Dhowraa waxaa ka mid ah: inuusan jarin wax ka mid ah Cidiyihiisa iyo Timihiisa ruuxa Doonaya inuu Udxiyo baxsado inta lagu jiro Tobanka Maalmood ee u horeeya Bisha Dul-Xaj ilaa laga gaaro inta uu Udxiyadiisa ka Goowracanayo, sidaasna waxaa amray Nabigeena Suuban (SCW) sida ku cad Xadiiskan

إذا رأيتم هلال ذي الحجة وأراد أحدكم أن يضحي فليمسك عن شعره وأظفاره)

[رواه مسلم]

Waxaa uu muslim ku wariyay weji kale oo ah:

«إذا دخلت العشر، وأراد أحدكم أن يضحي، فلا يمس من شعره وبشره شيئا»

Waxaa ay Ahlu Cilmiga ka qaateen Xadiiskaan: in looga baahan yahay Towbo iyo Dembi Dhaaf Dalbasho Ruuxii jara Cidiyihiisa ama Timihiisa Maalmahaan Tobanka ah asagoo Damacsanaa inuu Udxiyo Bixiyo, ha ahaado rag ama Dumar, hade yeeshee Ruuxa wakiilka ka ah Ruuxa Udxiyada iibsaday waxba lagama rabo uu wuu jaran karaa Cidiyihiisa ama Timihiisa Maalmahaan inta lagu jiro.

Dardaaranka Sadaxaad ee looga faaiideysan karo maalmahaan waa: In loo dagdago Gudashada Xajka oo ah Rukni ka  mid ah Arkaanta Islaamka kuna waajiba Ruux kasta oo Qaangaar ah Caaqil ah isla markaana Awooda Sida ku cad Aayadaan:

{وَلِلّهِ عَلَى النَّاسِ حِجُّ الْبَيْتِ مَنِ اسْتَطَاعَ إِلَيْهِ سَبِيلاً وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ الله غَنِيٌّ عَنِ الْعَالَمِينَ} [سورة آل عمران: 97].
«
تعجلوا إلى الحج – يعني الفريضة – فإن أحدكم لا يدري ما يَعْرِضُ له» [صححه الألباني]

Xadiiskan waxaa uu nagu Guubaabinayaa inaan Xajka Waajibka ah la dagdagno, maxaa yeelay waxaa dhici karta in Ruuxa Haduu Dib dhigto ku timaad Duruufo  iyo Caqabado ka hor istaaga mar dambe inuu la yimaad sida dad badanba qabsatay.

Waxaana Raxmada Illaah (Cw) noo Naxariistay ka mid ah inuu Xajka waajibo Cumiraga Qofka Mslimkaa Halmar uun Sida uu Cadeeyay Nabiga Suuban (SCW):

 «الحج مرةً، فمن زاد فتطوع» [صححه الألباني].

Xadiiskaan Macno ahaan waa : Xajku waa hal mar ruuxii Kordhistana waa u Sunno.

 

Dardaaranka Afaraad ee looga Faaiideysan karo Maalmahaan waa: in lagu Dadaalaa Soomitaanka Maalinta Carafa Ruuxii aanan Xajineyn waayo maalintaas waxa ay ka mid tahay maalmaha Soonka la Sunneeyay ee uu Nabigana ku Tilmaamay in laga Helo Dembi Dhaafid Sadankii lasoo Dhaafay iyo kan Soo Socda Sida ku Cad Xadiiskaan

«يكفر السنة الماضية والسنة القابلة» [أخرجه مسلم].

Xadiisklaan waxaa uu Daliil u yahay fadliga Soomitaanka Maalinta Carafa iyo Ajarka Weyn ee laga helaayo,

 

Waxaa ay Ahlu Cilmiga yiraahdeen waxaa wanaagan Ruuxii aan Musaafar aheyn inuu Soomo Maalinta Carafo Xataa hadii ay kusoo aado Maalin Jimco ah, waayo Diiditaanka Soonka maalinta Jimcaha ah waa in Jimcao ahaan Soon loola jeedo ee Soonka Maalintaan Sagaalaadka waxaa loo Soomaa Carafo daraadeed ha waafaqo maalinkaas Jimce ama yuusan waafaqine.

Baraarijin: Dembi Dhaafka lagu Sheegay Soonka Carafo waa Dembiyada Yaryar, waayo Kabaairta Dembiyada la yiraah waxa laga maarmaan ah Toowbo in lala yimaado.

Maqaalkaan waxaa uu yeelan Doonaa Qeyb labaad maamlaha soo socda inshaa Allaah

Waxaa diyaariyay Calinuur Xoogsade

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: