read more »">
Calendar

Danjire Cali Ameeriko oo booqasho ugu tagay Qaxootiga Soomaaliyeed Ee dagan Xerada Dhadhab (Daawo Sawirada)

dhabab2BARTAMAHA (DHADHAB):- Danjiraha Dalka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa booqasho niyad dhis iyo gargaarid ah ugu tagay dadka Barakacayaasha ah ee ku dhaqan Xerada Dhadhab.

Danjire Maxamed Cali nuur Ameeriko ayaa shalay gaaray Xerada Qaxootiga ugu badan ay daganyihiin ee Dhadhab halkaasi oo uu ku booqday Kumanaan Soomaali qaxooti ku ah xeradaasi qaxootiga.

Ambassador Cali Ameeriko  waxa uu gaaray xerada isagoo dadkii ku sugnaa intooda badan ugu tagay xerooyinka ay ka daganyihiin gudaha Xerada qaxootiga Ee Dhadhab waxaana uu dhiiri galinayay Caruurta,Haweenka iyo dadka da’da ah ee dhammaan dhibanayaasha ku ah xeradaaasi.

Safiirka ayaa waxa uu hadal guugaabo ah u jeediyay Ardayda  Dugsi Qur’aanka ee Xerada Dhadhab  isagoo kula dardaarmay in ay Qur’aanka bartaan waxaana uu sidoo kale dhiira galin u sameeyay dhammaan caruurta xeradaasi ku nool.

Mudane Cali Ameeriko waxa uu xerada soo kormeeray dhammaan waxyaabaha muhiimka u ah ee ay u baahan yihiin waxana ay dadka badankiis u sheegeen safiirka in dhibaata xagga Kaararka ah ay taagan tahay iyo mid dhanka nadafada ah.

Mudane Cali Maxamed Nuur Ameeriko safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa dhammaan niyad dhis iyo garab qabasho gargaar u fidiyay dadka Dhadhab dagan waxaana uu u balan qaaday in isbadal lagu samayn doono noloshooda waxyaabaha lagama maarmaanka u ah.

Danjire Ameeriko ayaa hore u tahay xerada Kakuma waxaana xilli sii horaysay uu gargaar gaarsiiyay dad ku dhaqan xerooyinka qaxootiga ee dalka Kenya oo safaaradiisa ay u istaagtay u gargaarida dhibanayaasha qaxootiga ah.

Mudanahan ayaa dhawaanahan waxa uu waday qorshayaal hormarinta dadka Soomaaliyeed ah waxaana uu horey Schoolo waxbarasho uga hirgalisay safaaradiisa Xerooyinka qaar isagoo hadda soo balan qaaday fulinta mashaariic waxbarasho .

Daawo Sawirada:-

dhadhab8

dhadhab7

dhadhab6

dhadhab5

dhadhab4

dhadhab3

dhadhab1

dhabab2

Comments

comments

Category : KENYA, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: