Danjire Ameeriko “Xuska Sanad Guuradii 50-aad ee Xoriyada Soomaaliya…..â€
Bartamaha (Nairobi):- Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo ah Danjiraha dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya oo waraysi dheer siiyay Bartamaha ayaa sheegay in Safaaradda Soomaalidda ee dalka Kenya ay dhawaan qaban doonto Xuska sanadkii 50-aad ee ka soo wareegatay marki ay Soomaaliya Xoriyada qaadatay.
Warbaahinta Bartamaha oo Danjiraha wax ka waydiisay sida ay u socoto diyaar garoowga koowda Luuliyo ayaa xaqiijiyay in ay qaban donaan xuska Maalinta ay Soomaaliya Xoriyada ay heshay.
“Xusma Sanad guuradii 50-aad ee Maalinta ay Xoriyada Soomaaliya qaadatay waa Maalin runtuu nagu weyn iyadoo Soomaaliya ay dagaalo ka socdaan, haddana waxaan ku dadaali doona in Qaranimada iyo Calanka Soomaaliya aan muujino†ayuu yiri Mohamed Ali Ameerico.
Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya ku leedahay oo inta badan aanan lagu aqoon xusida Maalmaha Qaranka ayaan isku daynay in aan arrintaas wax ka waydiino Danjire Maxamed Cali Ameeriko balse waxa uu cadeeyay in Dhibaatadda iyo Qaxootiga fara badan ee Soomaaliya ka jira darteey ay inta badan u qaban waayeen Munaasabadaha Qaranka iyadoo sababtu uu ku sheegay in ay lacago ku baxayaan dhamaan Xafladaha la qabto.
Danjire Mohamed Ali Ameeriko ayaa Bartmaha u sheegay in diyaarinta xafladda Koowda Luuliyo ay la kaashan doonaan dhalinta Waayahacusub oo dhinaca Heesaha ku soo caan baxay.
Dhan kalle mar aaan la xariirnay dhalinta Waayahacusub ayay inoo xaqiijiyeen in Safaaradda Soomaalida iyo Waayahacusub ay si wada jir ah u wada qaban doonaan xafladda Xusida Maalintii ay Soomaaliya Xoriyad buuxda heshay kana soo wareegatay mudo 50 sano ah.
Gobaladda Waqooyi ee Soomaaliya balse hadda la magac baxay Soomaaliland ayaa Gumeestihii Ingiriis-ka xoriyada ka qaatay June 27, 1960 balse bishii July 1, 1960 waxaa xoriyada la siiyay Koonfurta Soomaaliya kadibna waxaa midoobay Koonfur iyo Waqooyi inkastoo dagaaladdii iyo dhibaatadii dalka ka dhacday kadib dagaalo ka dhacay Soomaaliya ayay wax badan is badaleen.
—————————————————-
Waraysiga waxa qaaday Ibraahim Da’ud Abdalle
Xafiiska Bartamaha ee Geeska Afrika.
Comments
comments