read more »">
Calendar

Danjiraha dowlada Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Muqdisho andrea marrella wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay horay u sheegtay in ay baarayso qaraxaasi cidii ka dambaysay Islamarkaana dowladda looga fadhiyo in ay jawaab ka keento baaritaankeeda iyo wixii ka soo baxa.

Andrea marrella Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Taliyaaniga ayaa sheegay inuu wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG Soomaaliya ay ka wada xaajoodeen arrimo badan oo la xiriira Ammaanka Muqdisho gaar ahaan qaraxii ka dhacay Tiyaartarka Muqdisho.

“Wasiirka arrimaha gudaha waxa aan kala hadlay arrimaha ammaanka magaalada, gaar ahaan qarixii tiyaatarka, oo hadda hay’addaha ammaanka ay wadaan baaritaano, waxaan taageer Sanahay dadaalka uu wado wasiirka Cabdi Samad ee ku aadan in la soo qabto cid kasta oo ka dambeysay qarixii tiyaatarka Qaranka, waxaana jeclnahay in la cadeeyo sida ay wax u jiraan, Haddii xitaa ay masuuliyada lagasho hay’adda dowladda in sida ugu dhaqsiyaha badan loo cadeeyo” ayuu yiri Andarei Marela.

Danjiraha u fadhiya Soomaaliya  ee Dalka Taliyaaniga ayaa sidoo kale Shirkiisa jaraa’id waxaa uu ku sheegay in wasiirka uu kala hadlay qaabka lagu soo xulaayo odayaasha la rabo in ay ka eyb Qaataan dastuur u sameynta Soomaaliya.

“Waa mid aan ka walaacsanahay xiligan, xitaa fariintaas waxaan u gudbinay Danjire Mahiga oo u sheegay in ay rabaan midowga Yurub, in baarlamaanka la soo xulaayo ay ka qeyb qaataan.” Ayuu mar kale hadalkiisa raaciyey Andarei Marela.

Ugu dambayn andrea marrella ayaa sheegay inay ka dhur sugayaan baaritaanka la xiriira sidii sharciga loo hor keeni lahaa dadkii ku lugta lahaa Qaraxii ka dhacay xarunta Murtida iyo Madaalada ee Tiyaatarka Qaranka haddii baaritaan dhab ah ay ku sameyn weyso oo wax cad ay soo bandhigi weyso taas macneheedu ay tahay in aan laysku halayn Karin goobaha ay ka Arrimiso ayna lumisay kalsoonidii shacabka.

Xafiiska wararka bartamaha muqdisho

[email protected]

Comments

comments

Category : Latest Somali News.
« »

Comment: