Dambiile lagu helay inuu dilay madaxii dhaqanka gobolka Hiiraan oo la toogtay
Maxkamada ciidamada qalabka sida dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fullisay gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilkii guddoomiyihiin golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, Sheekh Maxamed Xuseen Maryacade.
Toogashada oo ka dhacday gudaha xerrada ciidamada Lama-gallaay ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayay guddoomiyaha gobolka Cabdi Faarax Laqanyo, saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa Jabuuti ee howlgalka AMISOM iyo sarkaal ka socday maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Taliyaha booliiska maamulka gobolka Hiiraan Col Isaaq Cali C/dulle oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in Mukhtaar Xassan Max’ed oo 18 sano jir ah gacanta lagu soo dhigay 27.11.2012 xiligaa oo uu dil bareer ah u geystay guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqanka gobolka Sheekh Max’ed Xusseen Maryacade oo xilka loo doortay maalin ka hor waqtiga la dillay.
Qaar kamid ah dadweynaha magaalada Beledweyne ayaa u daawasho tagay dilka gacanku dhiiglaha.
Comments
comments