Calendar

Dalxa oo dawlada Soomaaliya ku eedeeyay inay ka gaabisay waxkaqabashada dhinaca ammaanka

xildhibaan-dalxa1Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliiya ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo laamaha kala duwan ee Dowladda inay ku fashilmeen sugida amniga ee Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa aya waxa uu sheegay in ay iska indha tirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay  la kaashato Dadka yaqaana amniga si buu yiri looga hortago amaan darrida ka taagan Muqdisho waxaana uu sido kale hoosta ka xariiqay in Dadka haya xilalka amaanka inay aqoon u laheyn sida loo sugo amaanka Dalka.

Waxaana hadalka xildhibaanku uu ku soo beegmay xilli Muqdisho ay ku soo bateen weerarada ka dhacaya inkastoo saraakiisha ammaanka ee Soomaaliya ay quud darreeyaan saamaynta weeraradaas oo ay sheegeen inay yihiin kuwo ka dhaca wadamo kana awood badan kana ciidamo adag waddanka Soomaaliya sida wadamada Pakistan,Afghanistan iyo Ciraaq.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: