Calendar

Dalka Kenya oo ay ka bilaabatay Diiwaangelinta Talefonada Mobile-ka.

SUB1PIX

Bartamaha (Nairobi):-Dowladda Kenya ayaa biloowday Diiwaangelinta Taleefonadda Mobile-ka si loo yareeyo danbiyada ka dhasha Taleefanada Gacanta lagu qaato.

“Number kasta oo aan diiwaangashaneen waa la xiri doonaa, diiwaangalintana waxa ay ku egtahay dhamaadka Bisha July, 2010” sidaa wax lagu yiri War Murtiyeed ay Dowladda Kenya soo saartay.

Qorshahan ay Dowladda ku dooneeyso in ay dadka wata Talefoonada Gacanta ku diiwaangaliso ayaa imanaya kadib markii ay bateen, dilalka, dhaca iyo afduubka.

Mathew Iteere oo ah Taliyaha Booliska dalka Kenya oo la hadlayay idaacada BBC-da qeybta ocus on Africa ayaa sheegay in dowladda ay diiwaangalin doonto diiwaangalinta Taleefanada si loo ogaado dhibaatadda ka iman karta Taleefanada.

Dowladda dariska la ah dalka Kenya ee Tanzania ayaa horay qorshahan oo kalle ugu guuleesatay iyadoo diiwaangalisay dhamaan Taleefanada Gacanta laga isticmaalo.

kenyaafp

Kenya haddii ay Qorshahan ku guuleesato waxa ay ku biireysaa dalal badna oo Afrikan ah oo horay qorshahan ugu guuleestay sida Tanzania, South Africa, Botswana iyo dalka Ethiopia.

Arrintan ayay shacabka reer Kenya aad u soo dhaweeyeen, iyadoo dad badan ay aamisanyihiin in dhibaato badan oo ka dhasha Taleefanada ay yaraan doonto.

“Dowladda waxa ay dooneeysaa in ay ogaato dad isticmaala Taleefanada iyo meelaha ay daganyihiin” sidaas waxaa yiri Dr Bitange Ndemo oo ah Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta.

Kenya ayaa waxa ay leedahay 20 milyan oo qof oo isticmaala telefoonka mobile-ka, taasi oo ah ku dhawaad kala bar tirada dadka Kenya, waxaana sidoo kale ay leedahay adeeg horumarsan oo dhinaca bangiyada ah loo isticmaalo mobile-ka.

Ibraahim Da’ud Abdalle

[email protected]

Xafiiska wararka Bartamaha ee Geeska Afrika.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Madadaalo | Entertainment, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: