Dalalka Kenya iyo Seychelles oo loogu deeqay lacago ay Burcadbadeeda ku Maxkamadeeyaan.
Bartamaha (Nairobi):-Hay’adaha iyo Dalalka Deeq bixiyaasha ayaa $9.3 Milyan ugu deeqday dalalka Kenya iyo Seychelles si ay u Maxkamadeeyaan Burcadbadeeda Soomaalida ah ku xiran dalalkan sidaa waxaa yiri saraakill ka tirsan Ha’yada Qaramada midoobay
Maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya ayaa Burcadbadeeda ay soo qabtaan inta badan waxay ku wareejiyaan dalalka Kenya, Tanzania iyo Jasiirada Seychelles iyadoo Boqolaal Burcadbadeed Soomaali ah ay ku xiranyihiin dalalkan intooda badan aanan wali wax xukun ah aan lagu ridin.
Lacagtan dalalka iyo Hay’daha deeqaha bixiya ay ugu deeqan Kenya iyo Seychelles ayaa logu tala galay in la isticmaalo 18 Bilood ee nagu soo beegan si loogu adeegsado Daryeelka Xabisyada, Xaalada Maxaabiista Burcadbadeeda iyo Maxkamadeeynta intaba iyadoo dalalka lacagaha ugu badan dhiibay ay kala yihiin Australia, Canada, France, Germany iyo dalka Mareekanka.
Dalka Kenya oo dhawaan sheegtay in aysan aqbali doonin in Burcadbadeed danbe aan lagu soo xirin dalkeeda ayaa wada hadal kadib sheegtay in ay dib u fureen Xabsiyada loogu tala galay Burcadbadeeda Soomaalida ah arrintan aya timid kadib markii dalka Kenya ay soo gaartay Catherine Ashton oo ah Hogyahaha arrimaha dibada ee Midowga Yurub oo Booqasho ku martay dalalka Kenya iyo Tanzania.
In ka badan 100 Burcadbadeed Soomaali ah ayaa ku xiran dalka Kenya halka Boqolaal kalle ay ku xiranyihiin Maamul Goboleedka Puntland, Dalalka Yamen, Tanzania, Seychelles, Holland, Germany iyo dalka Mareekanka walina waxaa Xeebaha Soomaaliya ka soo socda Qafaalashada Maraakiibta Ganacsiga ee isaga goosha caalamka ee isticmaala Badweynte Hindiya.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Bartamaha, Nairobi-Kenya
Comments
comments