Dakada Muqdisho oo maanta Howlaheeda loo joojiyay Markab saanad Militari u waday Ciidamada Amisom.
Bartamaha (Muqdisho):-Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada Fd Soomaaliya ayaa maanta hakad galiyay howlihii shaqo Ee ka socday Dakada Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Amisom ayaa la sheegay in ay ku mashquulsanaayeen maanta dajinta Markab u rarnaa Ciidamadooda kaasi oo ku soo xertay Dakada Muqdisho.
Warar lagu Kalsoonyahay oo aynu ka helanay dakada Magaalada M uqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ay daabulayeen rasaas iyo darees Ciidamo oo maanta uu u keenay markab Dakada Muqdisho ku soo xertay.
Dhammaan shaqaalihii ka shaqeynayay maraakiibta ganacsiga Eek u xeran Dakada Magaalada Muqdisho ayaa maanta aha kuwa howl aan dakada ka haynin iyadoo dibada looga soo saaray dakada Muqdisho.
Ma jirin wax weerar ah oo maanta lagu qaaday dakada Magaalada Muqdisho halkaasi oo xiliyada ay Ciidamada Amisom hubka kala soo dagayaan ay la kulmi jireen weerar dhanka Madaafiicda ah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments