Dakada Muqdisho oo dib u howl gashay ka dib khilaaf laga hishiiyay.
Bartamaha(Muqdisho):-Dakada Magaalada Muqdisho ayaa galinkii danbe ee Maanta dib u howl-bilowday ka dib markii isfaham laga gaaray khilaaf dhawaan dilaacay.
Dakada Magaalada Muqdisho ayaa galabta shaqadeedii caadi ku soo laabatay ka dib markii laga hishiiyay khilaaf mudooyinkii la soo dhaafay ay u xerantay dakada.
Kulan Saacada qaatay oo maanta ka dhacay Dakada Magaalada Muqdisho kaasi oo u dhexeeyay Madaxda Dakada iyo Golaha Wasiirada oo dhinac ah iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir kaasi oo looga hadlayay khilaaf iyo isfaham daro soo kala dhexgashay madaxda Dakada iyo ganacsatada.
Ra’iisul wasaare Xigeenka ahna wasiirka Kaluumaysiga Prof.C/raxmaan Ibbi ayaa ka hadlay ka dib kulanka saacadaha qaatay oo ay ganacsatada la yeesheen .
Prof.Ibbi ayaa sheegay in xal buxa laga gaaray khilaafka dakada ka bilowday kaasi oo salka ku hayay badeecadaha ganacsatada soo dajisanayso oo la baarayo.
Dhanka Ganacsatada oo uu Saxaafada ula hadlay Gudomiyaha ganacsatada Gobolka Banaadir C/Kariin Gabeyre ayaa waxa uu sheegay in ay ogolaadeen qodobo la isku raacayna ay jiraan.
Labada dhinac ayaa hishiiskoda waxa uu sababay in dakada ay Galabta shaqadeeda dib u bilowdo iyadoo dajin lagu bilaabay Maraakiib ku xernayd Dakada Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments