Dagaalo xoogan oo saaka ka dhacay Wadada Sayidka Ee Magaalada Muqdisho iyo madaafiic lagu garaacay Suuqa Bakaaraha.
Bartamaha (Muqdisho) Dagaalo qaraar oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga Islaamiga ah ayaa saaka ka qarxay Xaafadaha ku teedsan Wadada Sayidka Ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalka oo ku bilowday rasaasta nuucyadeeda kala duwan ayaa waxa uu noqday mid xoogan ka dib markii Xoogaga Mucaaradka ay isku dayeen in ay la wareegaan qeybo ka mida Wadada Sayidka Ee Degmada Howl-wadaag.
Madaafiic xoogan ayaa xiliga dagaalka uu socday waxa ay ku soo dhacayeen Xaafadaha Degmada Howl-wadaag iyo qeybo ka mida Suuqa Bakaaraha kuwaasi oo qasaara xoogan ay dad rayid ah ka soo gaareen.
Islaamiyiinta Mucaaradka ayaa la sheegayaa in ay madaafiicda Hoobiyaha ku garaaceen Xarumada Dowlada sida Madaxtooyada,Otto-Otto ,Kumadka Booliisiya halkaasi oo aan la ogayn qasaaraha ka dhashay.
Dagaalka ayaa waxa uu ku baahay wadada Makka Al-Mukarama iyadoo inta la ogyahay dagaalka saaka dhacay ay ku geeriyoodeen 4-ruux halka dhaawacyada ay gaarayaan 10-ruux kuwaasi oo u badan dad rayid ah.
Inta badan Madaafiicda ku soo dhacday Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay ahaayeen kuwa qasaaraha ugu badan ay dadka ka soo gaareen iyadoo goobaha dagaalada saaka ay ka socdeen dadkii daganaa ay horey uga barakaceen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments