Calendar

Dagaalo xoogan oo saaka ka bilowday Deegaanka Gal-cad Ee Bariga Gobolka Gal-gaduud .

dagaalada dharkenBartamaha (Gal-Cad):-Dagaaladan oo u dhexeeya Ciidamada Kooxaha Alshabaab iyo Ahlu sunnah ayaa la sheegayaa in ay saaka dib uga bilowdeen duleedka Deegaanka Gal-cad .

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Galcad Ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka bilowday dagaalkii shalay ay alshabaab kula wareegeen Deegaankaasi iyadoo lagu soo waramayo in rasaasta ay ka dhacaydso meel 15-KM u jirta Gal-cad.

Xaalada ayaa ah mid aad u xun iyadoo gabi ahaan ay xerantahay wadada loo aado Isbitaalka kaliya Ee Deegaanadaasi ku yaalo oo ah Deegaanka Ceel-dheer halkaasi oo ay haystaan kooxda Ahlu sunnah wal-jamaaca.

Wixii warar ah Ee ku soo kordha Dagaalada deegaanadaasi ka socanaya kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: