Dagaalo weli ka holcaya Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho:-Dagaalo u dhexeeya Askarta Dowlada iyo kuwa Alshabaab ayaa maalintii 7-aad ka sii socanaya xaafadaha Woqooyiga Muqdisho.
Dagaalka saaka ayaa waxa uu dib uga bilowday xaafadaha Shibis iyo C/Casiis oo ah laba degmo oo mudooyinkii la soo dhaafay dagaalo ay ka holcayeen.
Daryanka Madaafiicda iyo rasaasta xoogan ayaa laga maqlayaa xaafadaha Woqooyiga Muqdisho oo ay isku hayaan Maleeshiyada ALshabaab iyo kuwa Dowlada.
Xaalada ayaa cakiran waxaana jira dad in ka badan 7-Maalmood ku xayiran goobaha colaada ay ka jirto.
Shacab badan ayaa ku nla’day dagaaladii ugu danbeeyay iyadoo guusha ay kala gaareen labada dhinac ay u muuqanayso mid shacabka lagu laynayo oo kaliya.
Dagaalka waxa uu weli ka socanayaa dhulkii uu ka bilowday 28-bishii la soo dhaafay iyadoo aanay jirin wax guul la taaban karo oo labada dhinac ay kala gaareen.
Dagaal uu hogaaminayay madaxweyne Shariif ayaa ka dhacay xaafadahaasi 1-July waxaana ay noqotay maalintii ugu qasaaraha badnayd Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom iyadoo Taangi looga gubay Amisom.
Isbitaalada Madiina,Keydsanay iyo Dayniile ayaa waxaa buux dhaafiyay dhaawaca Ciidanka labada dhinac iyo Shacabka maatada ah oo dhammaan ku soo waxyeeloobay dagaalka daba dheeraaday.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments