Dagaalo u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo Xogaga Mucaaradka ayaa galabta markale ka qarxay Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Dagaalkan ayaa waxa uu ku bilowday rasaas aan sidaa u xooganayn oo duhurnimadii manta ay bilaabeen ciidamada dowlada Fd soomaaliya kuwaasi oo soo buuxiyay aaga dagaalka Degmada Boondheere Ee Muqdisho.
Dagaal aan sidaa u xooganayay ayaa duhurnimadii manta waxa uu ak dhacay qeyba ka mida Wadada Wadnaha gaar ahaan Jihida Isgoysyada Siinaay iyo Afarta Jardiina ee degmada Yaaqshiid halkaasi oo ay labada dhinac ay rasaas isku tuurtuurayeen.
Galinkii danbe ee Galabta ayaa xoogaga Mucaaradka waxa ay bilaabeen in dhankooda ay ku siqaan gobo ay ciidamada dowlada saaka soo buuxiyeen taasi oo sababtay in dagaalku galabta uu noqdo mid aad u xoogan oo madaafiic iyo iska hor’imaad culusba uu aagaasi ka qarxay.
Dagaalka maanta ayaa waxaa ka qeybgalay ciidamada Maxkamadaha dowlada raacsan iyo Maleeshiyaad deegaankaasi dowlada ay maalmihii la soo dhaafay ku hubaynaysay kuwaasi oo gabi ahaanba isaga soo baxay Maqribnimadii caawa goobihii ay mucaaradka isaga soo horjeedeen.
Dagaalka manta dhacay ayaa inta la ogyahaya waxaa ku geeriyooday ilaa 2Ruux oo rayida ahaa iyadoo dhaawacyada la geeyay goobaha caafimaadka la geeyay 5ruux oo dhaawacya qaba kuwaasi oo dhammaantood ay yihiin dad rayid ah.
Dagaalka maanta ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay xaalada Muqdisho ay xasiloonayd iyadoo la dareemayay kooxaha iska soo horjeeda oo isku baritumanayay.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments