Dagaalo qaraar oo xalay ilaa saaka ka holcaya qeyba ka mida Degmada Hodon Ee Muqdisho iyo duqeyma loo gaysanayo Degmoooyinka la jaarka ah Degamadaasi.
Bartamaha(Muqdisho):-Dagaalkan ayaa waxa uu bilowday xalay 3-dii Habeenimo ka dib markii Ciidamada Dowlada ay isku faafiyeen qeyba ka mida Degmada Hodon halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Kooxda Xizbul Islaam.
Dagaalka Saaka bilowday ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamada dowladda Fd Soomaaliya iyo xoogaga Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo iskaashanaya ka dib markii xalay xilli danbe Ciidamada Dowlada ay la wareegeen Deegaanka Terebuunka ilaa Warshadii Caanaha.
Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu qarxay salaadi Subax ka dib markii ay gurmadyo heleen xoogaga alshabaab iyo Xizbul Islaam oo xiligii hore laga qabsaday fariisinadooda Deegaanka Hodon iyadoo xaalada ay noqotay mid faraha ka baxday.
Gabi ahaanba waxaa kooxaha Islaamiyiinta ay la wareegeen fariisinadoodii xalay laga qabsaday ee deegaanka Isbitaalka Xooga iyo Barxada Terbuunka halkaasi oo uu ka dhacay dagaalkii ugu xooganaa ee xalay bilowday.
Illaa haatan dagaalka waa uu socdaa iyadoo ay labada dhibnac isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan lamana oga qasaaraha kala gaaray labada dhinac wallow ay jiraan dhaawacyo loo daadgureeyay Isbitaalada Muqdisho kuwaasi oo u badan dad rayid ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somlia.
Â
Comments
comments