Dagaalo muddo kooban xalay ka socday Wadada Makka Al-Mukara Ee Degmada Hodon oo qasaara nafeed sababay.
Bartamaha(Muqdisho):-Dagaaladan oo ahaa kuwo aad u qaraaraa balse waqto kooban socday ayaa waxaa ay yimaadeen ka dib weerar ay xoogaga Mucaaradka ku qaadeen fariisinada Ciidamada Amisom Ee Wadada Makka Al-Mukarama.
Xalay saqdii Dhexe ayaa dadka dagan Degmooyinka Hodon iyo Waabari waxa ay ku soo tooseen dhawaqa madaafiicda iyo rasaas culus oo ay isdhaafsanayaan Ciidmada dowlada iyo Xoogaga Mucaaradka kuwaasi oo ka dhacaya dhismihii shaqaalaha Ee Degmada Hodon.
Xoogaga Mucaaradka ayaa waxa ay weerar ku qaadeen fariisinka Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin dhismooyinka shaleemo Soomaaliya iyo hoygii shaqaalaha halkaasi oo ay ka dhacday israsaasayn dhexmartay Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga ka soo hor’jeeda.
Dagaalka ayaa ahaa mid labada dhinac ay isweydaarsadeen rasaasta nuucaydeeda iyo Madaafiicda Hoobiyayaasha meelaha dhow wax ka babgareeya kuwaasi oo badanaa ku dhacay Xaafadaha Degmada Hodon iyo Waabari oo labada dhinac ay rasaastooda u kala jiheysneed.
Inta la xaqiijiyay weerarkii koobnaa ee xalay dhacay ayaa la sheegayaa in ay ku geeriyoodeen Wiil iyo Hooyadiis ka dib markii uu madfac ku soo dhacay guri ay ka daganaayeen Xaafada siigaale Ee Degmada Hodon.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments