Dagaalo mar kale saakay ka dhacay magaalada Muqdisho
Waxaa saakay dib ugu qarxay magaalada Muqdisho dagaalo iyo duqeymo culus oo is weydaarsanayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garabasanaya kuwa AMISOM iyo Al Shabaab,iyadoona uu dagaalkaani ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaani uusan sidaasi u xooganeyn marka loo fiiriyo dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho,balse la maqlayay hubka noocyadiisa kala duwan iyo nadaafiic ay is weydaarsanayeen labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeyo.
Sidoo kale wararka soo gaaraya Bartaamaha.com ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan labo qof ay ku dhimatay dagaalka,iyadoona aanan noo suurta galin inaan helno tirada rasmiga ah ee dhawaaca,inkastoo mararka qaar haatan la maqlayo arasaas goos goos ah oo ka dhaceyso aaga dagaalka saakay ka dhacay.
Si kastaba daghaalkaani maanta ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shalay aheyd uu madaxweyne Shjariif kulan albaabada u xiranyahiin la qaatay saraakiil ka socotay kuwa Amisom iyo dowlada KMG ah ,kuwaasi oo la sheegay inay ka shireen qorshayaal cusub ee dagaal ee dib loogu nabadeeynayo guud ahaan magaalada Muqdisho. .
www.Bartamaha.Com
Comments
comments