Dagaalo maanta mar kale ka dhacay gobalka Gedo.
Wararka naga soo gaaraya qeybo ka mid ah gobalka Gedo ayaa sheegaya in maanta gelinkii dambe Dagaalo xoogan aay ku dhexmareyn ciidamo ka tirsan Dowlada kmg Somalia iyo Alshabaab.
Dagaalka gelinkii dambe ee maanta ka soo cusboonaday Gedo waxa uu aad u xogeystay Maqribnimadii caawa waxaana dagaalkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac.
Masuuliyiinta dowlada oo ka hadlay radiyaha afka dowlada ku hadla ayaa sheegay in dagaalka Maanta uu ahaa mid aad u xoogan islamarkaana alshabaab aay iska difaaceyn.
Gudoomiyaha gobalka Gedo ee dowlada kmg Somalia Cabdi kaliil ayaa sheegay in dagaalkii maanta Uu ka dambeeyay ka dib markii alshabaab aay weerar ku soo qaadeyn fariisimo aay ku lahaayen Deegaan ka tirsan Gedo.
Warar hoose ayaa sheegaya in dagaalkii maanta aay ku dhinteen ka hor inta aan gilinkii danbe aan La soo gaarin oo qasaaraha dagaalka uu ahaa ilaa 3 ruux oo ku geeriyootay dagaalkii maanta tiro Intaas ka badan ay ku dhaawacmeyn oo labada dhinac ah.
Wararka dagaalka ayaa sidoo kale sheegay in labada dhinac aay isu adeegsanayen madaafiic Xoogan iyada labada dhinac gurmadyo aay kala helayan.
Sida la xaaqiijiyay waxaa dagaalka soo qaaday al shabaab oo damacsanaa iney gabi ahaan la Waregaan goobihi lugu diriray balse markii danbe ay ciidanka dowlada ay soo gareyn gurmad Xoogbadan wax war ah laga haayo dhanka al shabaab marka laga reeba saraakiisha dowlada oo Sheegatay iney wili heysato halkaasi. Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha dagaalka maadaama uu Dagaalka wali ka socdo goobaha lagu dagaalamaaya.
Xafiiska wararka bartamaha: muqdisho
Comments
comments