Dagaalo ka dhacay Buuralayda Galgala.
Bartamaha (Galgala):- Dagaalo u dhexeeyay Ciidanka Puntland iyo Kooxda Sheekh Atam ayaa maanta ka dhacay deegaano ka mida Buuralayda Galgala.
Dagaalka oo ahaa midkii ugu xooga badnaa oo ay si toos ah u qaadeen Ciidanka Puntland ayaa waxa uu ka bilowday qeyb ka mida Buuralayda Galgala oo muddo dhowr Bilood ah ay isku hayeen Atam iyo Dowlada Puntland.
Dagaalka maanta dhacay oo sabab ka dhigay in Ciidanka Dowlada Goboleedka Puntland ay cagahooda dhigaan qeybo ka mida Buuralayda gaar ahaan dhulka Muhiimka ahaa ayaa waxa uu sababay qasaara kala duwan.
Sida saraakiisha Puntland ay sheegteen waxaa dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac kala gaaray Ciidanka Dowlada Goboleedka iyo Kooxda Sheekh Atam wallow saraakiisha amaanka ay cadeeyeen in ay guul balaaran ka gaareen dagaalkii dhacay.
Dhulka Buuralayda ah ayaa waxaa gaaray Ciidanka Dowlada Puntland waxaana halkaasi laga helay Hub iyo Saanad Ciidan oo ay isaga carareen Kooxdii Sheekh Atam oo gudaha u sii gashay Buuralayda qeybta laga qabsaday.
Dhanka kale dhaawacyo fara badan ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Boosaaso waxaana ay dadka dhaawaca ah ahaayeen Ciidanka Puntland ee saaka bilaabay Howlgalka guusha ay ka gaareen sida saraakiisha cadeeyeen.
Xaalada ayaa ah mid dagan wallow laga baqanayo in ay dib u soo laabtaan Kooxdii Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Atam oo aan illaa haatan la ogayn halkii ay galeen.
Wixii warar dheeraad ah www.Bartamaha.Com kala jaan qaad Insha allaah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments