Dagaalo iyo duqeymo galabta ka dhacay qeyba ka mida Degmooyinka Howl-wadaag iyo Shibis Ee Muqdisho
Bartamaha(Muqdisho):-Dagaaladan oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga ka soo horjeeda ayaa waxa ay galabta ka qarxeen Degmooyinka Howl-wadaag iyo Shibis Ee Muqdisho halkaasi oo ay isku hor’fadhiyeen labada ciidan maalmihii la soo dhaafay .
Ciidamada Dowlada ayaa la xaqiijiyay in galabta xilli danbe ay weerar ku qaadeen dhanka Isgoyska Howl-wadaag Ee Muqdisho halkaasi oo la sheegay in Ciidamada Yuusuf Maxed Siyaad Indha cadde ay muddo kooban la dfagaalamayeen ciidamada Islaamiyiinta mucaaradka ee ku sugnayd halkaasi.
Dagaalka ka dhacay dhanka Isgoyska Howl-wadaag ayaa waxaa bar-bar socotay madaafiic lagu garaacay suuqa bakaaraha iyo deegaanada la jaarka ah taasi oo sababtay dhimashada laba ruux oo rayid ah islamar’ahaantaana ay dhaawacyo soo gaareen ilaa 5-ruux oo inta badan ay waxyeelaysay madaaficda ku dhacaysay suuqa bakaaraha.
dhanka kale dagaal qaraar ayaa galabta waxa uu dib kaga qarxay xaafado ka tirsan degmada Shibis Ee Muqdisho halkaasi oo ay ku dagaalamayeen maalmahanba Ciidamada dowlada iyo xoogaga mucaaradka kuwaasi oo galabta isdhaafsaday rasaas iyo madaafiic culus oo ay midba midka kale ku doonayay in uu kala wareego fariisimahiisa.
Madaafiic nuucyada qoryaha Hoobiyayaasha, Taangig iyo BM ayaa galabta lagu garaacay markale xaafadaha Sanca.Suuq Bacaad,Shibis, iyo Kaaraan halkaasi oo ay ku xooganyihiin xoogaga Islaamiyiinta mucaaradka kuwaasi oo inta badan aan ku sugnayn gudaha xaafadaha deegaanadaasi maadaama agagaarka goobaha la duqeynayay ay ahaayeen kuwa horey ay uga soo gudbeen kooxaha dowlada la dagaalsan.
Madaafiicdan ku dhacaysay xaafadaasi ka mida Degmooyinka Woqooyiga Muqdisho ayaa waxa ay qeyb ka tahay dagaalada labada dhinac ee isku haya siyaasada ku dhexmaraya caasimada Muqdisho wallow ilaa haatan aan dagaalkaasi natiija laga gaarin maadaama ay ku la’nayaan shacabka soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments