Dagaalo culus oo galabta ilaa barqadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho
Dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda ayaa maanta waxaa ay mar kale ka dhaceen Xaafadda Siinaay ee degmada Yaaqshiid.
Â
Dagaaladaasi oo mudo dheer socday islamarkaana la isku adeegsaday hubka nuucyadii kala duwan ayaa waxaa ay geesteen qasaare soo gaaray dad rayid ah kuwaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Â
Ilaa iyo haatan in ka badan 6-ruux ayaa ku geeriyootay dagaalada halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 33-qofod kuwaasi oo dhaawacooda la geeyay cusbitaalada Magaalada Muqdisho.
Â
Cali Muuse oo ka mid ah howadeenada gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa caawa Shabelle u sheegay in ay qaadeen ilaa 25-ruux oo rayid ah kuwaasi oo madaafiic iyo rasaas habow ah ay guryahoodii ugu tagtay islamarkaana ay ka qaadeen goobaha ay dagaaladu ka dhaceen.
Â
Dagaalka maanta ka dhacay Agagaarka Isgoysyada Jardiinka iyo Siinaay oo u muuqday in ay  dabo joogaan dagaalo maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay qaboobeen goor galab gab ah,waxaana haatan deegaanadii lagu dagaalamay ay yihiin kuwa degan.
Â
Todobadii maalin ee u dambeysay ayaa magaalada Muqdisho waxaa la soo daristay xaalad aad u adag kadib markii ay isdaba qabsadeen dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ururo Mucaarad ah  oo is garabsanaya iyo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo sababay geeri,dhaawac iyo barakac farabadan,mana jirto cid ilaa iyo haatan u istaagtay in ay xaliso dhibaatadaasi.
Â
Shabelle: MUQDISHO
Comments
comments