Dagaalo Aad Culus oo Ka dhacay Degmada Boondheere iyo Saraakiisha Dowaldda Oo Guul sheegtay
Boondheere/Bartamaha:Dagaalo aad u culus ayaa Saakay ka dahcay Qeybo ka mid ah Xaafado ka tirsan Degmada Boondhere Ee Magaalada Mugadisho,
Dagaaladani ayaa waxaa u dhaxeeyay Dowladda FKMG Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM oo dowladda ku cawinayay Madaafiic xoogan iyo Kooxda AL-Shabaab oo diidan Siyaaasadad dowlada FKMG Somaaliya.
Waxaa la isku adgeesday Hubabka noocyadiisa kala duwan iyadoo Madaafiicda ay is wedaarsanayeen laga maqalay Degmooyinka ku hareersan Degmada Boondheere.
Waxaa Barqadani xiran dhamaan goobihii Ganacsiga iyagoo Saakay aan la furin maadaama uu Dagaalka Bilaabwday Aroortii Saakay.
Qasaaraha Dhabta uu soo gaaray Labada Dhinac ee dagaalamaya iyo Shacabka ku sugan Aagga Dagaalka Ee Degmada Boondheere lama shaacin karo iyadoo haatan ay Xabado goos gos ah ka dhacayaan Boodheere Ee Gobolka Benaadir.
Saraakisha ugu sareyso Oo hadashay inta uu dagaalka socday ayaa sheegtay inay xoogaa hormar ah ay ka sameeyen Dagaalka iyago qiray inay jabiyeen Kooxaha Mayaka adag Ee Al-Shabaab.
www.Bartamaha.com
Comments
comments