Calendar

Dagaalkii Kismaayo oo sii xoogaystay Iyo Ciidamada Alshabaab oo guulo hordhac ah ka gaaray Dagaalka.

8947Bartamaha(Kismaayo):-Dagaaldii ka socday Magaalada Kismaayo ayaa la xaqiijiyay in ay xoogaysteen iyadoo Kooxda Alshabaab ay la wareegtay fariisino ay ku sugnaayeen Xizbul Islaam.

Wararka xiligan ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Dagaalka uu duhurnimadan Xiliga Kismaayo uu xoogaystay iyadoo Ciidamada Alshabaab ay qabsadeen dhanka Bari Ee Magaaladaasi.

Maleeshiyaadka ku dagaalamaya Magaalada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoo la xaqiijiyay in Alshabaab Askartooda ay qabsadeen Xaafada Calanley iyo Aargada Magaalada halkaasi oo ay ku xooganayaayeen Ciidamada Xizbul Islaam.

Madaafiicda Hoobiyaha ayaa lasoo sheegayaa in ay dad badan ku dhinteen Xaafada Aargada, Calanley, iyo Xaafado kale oo magaalada ka mida ka dib markii labada dhinac ay isku dhaafsadeen dusha shacabka Kismaayo madaafiic aan loom eel dayin.

Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa lagu soo waramayaa in ay xiligan joogaan Dhismayaal badan oo ay daganaayeen Saraakiil can ka ahayd Xizbul Islaam gaar ahaan garabka ka soo horjeeda Maamulka Alshabaab Ee laga dhisay Kismaayo.

Xiligan ayaa la sheegayaan in labada kooxo uu dagaalkooda u beeray dhanka Galbeedka Magaalada Kismaayo oo madaafiic iyo rasaas culus ay ka dhacayso wallow aan la ogayn jawiga waxa uu ku danbayn doono.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: