Dagaalkii ka dhacayay Maanta Deg.Dharkenley oo hakadgalay iyo ciidamada dowlada oo awood u sheegtay kooxaha mucaaradka
Bartamaha(Muqdisho):-Ka dib dagaal qaraar oo muddo saacadaha ah ka socanayay qeyba ka mida Degamada Dharkenley Ee Muqdisho ayaa ciidamada dowlada Fd soomaaliya waxa ay kula wareegeen fariisinkii ay maalmahanba ku taamayeen in ay gaaraan.
Â
Ciidamada dowlada Fd Soomaaliya ayaa maanta dagaal aad u xoogan waxa ay ku qaadeen fariisinada kooxaha Mucaaradka ay ku lahaayeen qeyba ka mida Degamada Dharkenley halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay la saadaalinayay in ay ku dagaalami doonaan ciidamo labada dhinac ah oo deegaanadaasi la soo dhoobay.
Â
Dagaal aad u xoogan ayaa ka qarxay deegaanada Saldhigii Galbeed,Xoosh Iyo Deegaanka Kaxda oo dhammaan ay ku sugnaayeen xoogaga Mucaaradka iyadoo dagaalka uu bilowday Subaxnimadii saaka uu soo gaaray ilaa galinkii danbe ka dib markii ay labada dhinac dagaal lagu riiqmay halkaasi uu ku dhexmaray.
Â
Ciidamada Dowlada Fd soomaaliya ee dagaalkii maanta ka qeybgalay ayaa waxa ay kor u dhaafayeen 500-Askari kuwaasi oo jihooyin fara badan ka weeraray kooxo aan sidaa u tira badnayn oo Islaamiyiinta ka mid ah kuwaasi oo daganaa qeyba ka mid ah degmadaasi Dharkenley.
Â
Dagaalka ayaa saacada qaatay wallow ay ciidamada dowlada Fd soomaaliya ay u suurta gashay in ay wiiqaan awoodda kooxaha Mucaaradka oo ku jiray meela uu ka mid yahay Saldhiga Galbeed oo ay lahaayeen ciidamada Booliiska balse muuddo 5-bil ka badan xarun u ahayd kooxaha Mucaaradka dowlada Soomaaliya.
Â
Ciidamada dowlada ayaa waxa ay awood ku galeen Saldhiga Galbed iyo deegaanka Xoosh oo dagaal ka dib ay isaga baxeen kooxaha Mucaaradka iyadoo halkaasi ay gaareen gawaarida dagaalka ciidamada dowlada oo aan la garanaynin halka ay ku xareysnaayeen.
Â
Qasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Dharkenley ayaa ah mid la isku qilaafsanyahay iyadoo dhaawacyada la geeyay goobaha caafimaadka ay kor u dhaafayaan 20-ruux oo rayid iyo ciidanba isugu jiray kuwaasi oo badanaa la dhigay isbitaalka Booliiska Madiina.
Â
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in weerarka manta ay horboodayeen qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamanka soomaaliya Sida Muuse Suudi Yalaxow,Salaad Cali Jeele iyo Xildhibaan Xuseen Caraale iyo xubna kale kuwaasi oo intooda badan shalay ay horkacayeen dagaalkii ka dhacay saldhiga Booliiska Ee Yaaqshiid halkaasi oo ay ciidamada dowlada ay xilli la wareegeen.
Â
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.
Muqdisho- Somalia
Comments
comments