Calendar

Dagaaladii Baladweyne oo istaagay iyo Ahlu sunnah oo dib looga saaray Magaalada.

balad-weyne2Bartamaha(B/Weyne):-Dagaalkii Magaalada Baladweyne saaka ka bilowday ayaa sababay dhimasho iyo dhaawacyo badan iyadoo magaaladaasi dib looga saaray Ciidamada Ahlu sunnah.

Magaalada Baladweyne ayaa saaka uu dagaalka ka bilowday aroornimadii hore iyadoo uu ku fiday xaafado badan oo magaaladaasi ah Xaafadaha Bariga iyo Woqooyiga Magaalada Baladweyne ayaa dagaalka uu si xoogan uga dhacay iyadoo dad badan ay ku nafwaayeen dagaalkaasi manta ka dhacay magaaladaasi.

Dagaalka saaka bilowday ayaa noqday mid saameeyay xaafado dhawaanahan u muuqday kuwa magaalada ka dagan wallow haatan inta badan magaalada uu dagaalka gaarxay.

Dagaalka ayaa dhaliyay dhimashada 10-ruux iyo Dhaawaca 15-qof kuwaaso oo u badan dadka shacabka ah ee magaalada dagan iyadoo Kooxaha dagfaalka u dhexeeyay uu qasaara kala gaaray.

Islaamiyiinta Ahlu sunnah ayaa magaalada isaga baxay markii dagaalka uu xoogaystay oo ay gurmadyo heleen Islaamiyiinta Alshabaab iyo Xizbul Islaam kuwaasi oo magaalada  dib u qabsaday.

Magalaada Baladweyne ayaa waxaa haatan haysta Islaamiyiinta Alshabaab iyo Xizbul Islaam kuwaasi oo dagaal magaalada uga saaray Kooxda Ahlu sunnah oo shalay galinkii danbe qabsatay xaafado baladweyne ka mida.

Isku tuur tuurka gacan ku haynta baladweyne ayaa noqotay kid shacabka lagu laayo oo dad badan ay ku la’daan duqeynta ay geystanaan labada dhinac ee isku haya magaaladaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: