Dagaal Xoogan oo Xalay ka dhacay Xaafado ku dhow Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
Bartamaha(Muqdisho):-Dagaal qaraar ayaa Xalay fiidinimadii ka dhacay Xaafadaha kaabiga ku haya Xarunta Madaxtooyada iyadoo qasaara uu ka soo gaaray dad shacab ah.
Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid culus oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isku dhaafsanayay xiligii uu ka socanayay xaafadaha ku dhow Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
Daryanka Madaafiicda iyo rasaasta ka dhacaytsay boobayaasha ayaa mar qura laga maqlay xaafadaha Cagadhiig,Aadan Cadde iyo 15-May oo dhammaan hareeraha Madaxtooyada ah.
Dagaalka waxa uu ahaa mid ka yimid dhanka Mucaaradka waxa uuna sababay qasaara shacabka soo gaartay markii Madaafiic difaac ahayd lagu garaacay xaafadaha Degmada Wardhiigley oo ay dhankeeda ka soo weerar tageen Mucaaradka.
Gawaarida gurmadka ayaa waxa ay Isbitaalada geeyeen 6-qof oo dhaawac ah kuwaasi oo dhammaan ah dad Madaafiicda ay ku haleeleen Xaafadaha Degmada Wardhiigley Muqdisho.
Dagaalada Muqdisho ka dhaca Maalin iyo Habeen walba ayaa waxa ay yihiin kuwa dadka shacabka ah qasaara ay ka soo gaarto oo aan natiija kale ka gaarin Kooxaha isku haya Siyaasada.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments