Calendar

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Dowlada ka wada tirsan oo maalintii Labaad ka dhacay Degmada Dharkenley.

DSC06860Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamo Dowlada ka wada tirsan ayaa maanta ku dagaalamay Xaafado ka mida Degmada Dharkenley halkaasi oo dhawaanahan isku hayeen Ciidan laba maalmood.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in maanta ay lug ku lahaayeen Ciidamada Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo la sheegay in ay doonayeen sidii ay ula wareegi lahaayeen Degmadaasi.

Dagaalka ayaa noqday mid qabiil waxaana soo galay beel u badan Degmada Dharkenley oo bilowday in ay iska cabin ku sameeyaan Ciidamada Muuse Suudi Yalaxow.

Dagaalka ayaa waxa uu socday maalintii labaad waxaana dhintay 4-askari maanta oo kaliya iyadoo 8-ruux oo shacab ay ku jiraan dhaawacyo soo gaareen dadkaasi oo dhammaan  la dhigay isbitaalka madiina.

Weli xaalada waxa ay tahay mid kacsan waxaana xusid mudan in ciidanka Xildhibaan Muuse ay yihiin kuwa hadda la sameeyay markii masuulkaasi awoodiisa ay ku dhamaatay Degmada Kaaraan oo haatan ay alshabaab maamulaan.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: