Calendar

Dhobley:Alshabaab iyo Xizbul islaam oo dagaalamay.

dagBartamaha(Dhoobley):-Kooxaha Alshabaab iyo Xizbul Islaam ayaa Xalay ku dagaalamay Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka ayaa waxa uu dhacay ka dib markii Ciidamada Kooxda Xizbul Islaam ay weerar xoogan ku soo qaadeen gudaha Dhoobley halkaasi oo ay maamulaan Alshabaab.

Dadka Deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in ay maqlayeen daryanka rasaasta ioyo Madaafiicda ay isdhaafsanayeen Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Lama garanayo qsaaraha kala gaaray Kooxaha dagaalamay oo isku haya gacan ku haynta Dhoobley oo dhawaanahan ay weerar ku hayaan Ciidiamada Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo Xizbul Islaam ka tirsan.

Weerarka Xalay dhacay ayaa waxa uu imaanayaa xilli Xalay Magaalada Kismaayo lagu dilay Taliyihii Ciidamada ALshababa Ee Degmadaasi Dhoobley .

Lama oga in ay xiriir leeyihiin dilka Xalay Kismaayo ka dhacay iyo Dagaalka ay Xizbul Islaam ku soo qaadeen Degmada uu taliyaha ka ahaa ninka la dilay wallow horay dagaalo soo noqnoqday ay ka dheceen gudaha Degmadaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: