Dagaal qasaara dhaliyay oo Xalay ka dhacay Xaafado ka mida Magaalada Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Dagaal u dhexeeyay Kooxaha Xizbul Islaam iyo Ciidanka Dowlada ayaa Xalay ka dhacay Xaafado ka mida Degmada Hodo nee Magaalada Muqdisho.
Dagaalka  ayaa waxaa soo qaaday kooxda Xizbul Islaam sida uu cadeeyay sargaal koxdaasi u hadlay kuwaasi oo weeraray saldhigyada Ciidamada Dowlada Ee Degmada Hodon.
Dagaalka Xalay ka dhacay Xaafadahaasi ayaa waxa uu ahaa mid xoogan oo ay labada Koox deegaano ku kala qabsadeen wallow uu qasaara badan kala gaaray.
Waxaa dagaalka ku naf waayay labo qof oo mid ka mida uu yahay Sargaal Xizbul Islaam ka mida markii dagaalka uu si xoogan uga dhacay hareeraha Carwadii Taleex oo ay Ciidanka Dowlada qabsadeen.
Afhayeen u hadlay Xizbul Islaam ayaa guul sheegtay wallow uu qiray in uu qasaara ka soo gaaray dagaalka Xalay ka dhacay Xaafadaha Hodon.
Maxamed Macalin oo ah madaxa Warfaafinta ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid ay qaadeen isagoo sheegay in uu sii socon doono inta magaalada ay ka saarayaan Ciidamada Amisom.
Dagaalada magaalada ka dhaca ayaa waxa uu noqday mid si joogta ah shacabka dhibaato loogu geysto iyadoo ay labada dhinac guula kala sheegtaan dad badan oo dagaalka ku la’da ka dib.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments