Calendar

Dagaal qaraar oo Xalay saqdii dhexe ka dhacay Xaafado ka mida Muqdisho.

dgBartamaha(Muqdisho):-Dagaal u dhexeeyay Kooxaha Mucaaradka iyo Ciidanka Dowlada ayaa Xalay saqdii dhexe ka dhacay Xaafado ka mida Magaalada Muqdisho iyadoo saaka dhaqdhaqaaq la dareemayay.

Dagaalka oo Xalay bilowday saqdii dhexe ayaa waxa uu dhaliyay dhimasho iyto dhaawac fara badan markii Mucaaradka ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin guud ahaan Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxa uu ka bilowday Degmooyinka Kaaraan,C/Casiis,Shibis,Boondheere,Wardhiigley ,Dayniile iyo Hodon oo ay isku forfadhiyaan Mucaaradka iyo Dowlada.

Rasaast ay labada dhinac isdhaafsanayeen ayaa waxa ay si toos ah u socotay illaa muddo labada saacadood ah iyadoo ay bilaabatay abaara 2:30-saqdii dhexe ee Xalay xiliga Muqdisho.

Inta la ogyahay waxaa dgaalka Xalay dhacay ku nafwaayay 5-qof oo shacab ah iyo dhaawaca tira intaasi ka badan oo laga qaaday Deeganad ay ku hareen dadka fara ku tiriska ah.

Dagaalka ayaa waxa uu noqday dhawaanahan mid bilaabaya xiliga danbe ee Habeenkii maadaama ay labada dhinac isku bira tumanayaan islamarkana koox kasta ay ka baqanayso in dagaalka dhankeeda lagu soo qaado.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: