Dagaal qaraar oo Xalay Saqdii dhexe ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Dagaal la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa Saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa waxa uu bilowday markii Islaamiyiinta Mucaaradka ay mar kaliya weerar ku soo qaadeen dhammaan saldhigyada Dowlada ee Degmooyinka Hodon,Howl-Wadaag iyo Wardhiigley.
Magaalada inteeda badan dadka wax a ay ka tooseen hurdada iyadoo la moodayay in dagaalkii ugu darnaa uu Xalay socanayay waxa ayna xiligaasi ahayd abaara 1:30-Mirir saqdii dhexe.
Madaafiic ayaa ku hoobanaysay xaafadaha Degmooyinka ay weerarka ka soo qaadeen oo qasaara dad shacab ah gaarsiiyay inta vuu dagaalka socanayay waxaa shaqadooda bilaabay Gawaarida gurmadkla Deg Dega ah oo dad badan ka qaaday goobaha dagaalka.
Qasaaraha shacabka gaaray ayaa waxa uu dhanyahay inta la ogyahay 5-qof oo dhaawac ah iyo qof ku dhintay Isbitaalka markii la geeyay sida uu sheegay mid ka mida howl-wadeenada gawaarida gurmadka.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments