Calendar

Dagaal Qaraar oo u dhexeeyay Xarakatu shabaabul Mujaahidiin iyo ciidamo uu horkacayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam(Axmed Madoobe) oo saaka ka qarxay Degmada Xagar ee Gobolka J/hoose.

SOMALIA-CONFLICT/

bartamaha(xagar):- Dagaalkan oo u dhexeeya xoogaga wilaayada islaamiga ah ee gobollada jubooyinka ee hoostaga xarakatu shabaabul mujaahidiin iyo ururka xizbul islaam ayaa saaka abaare 6 subaxnimo waxa uu ka bilowday degmada xagar ee gobolkani j/hoose.

Ilo xog ogaan ah oo ku sugan degmada afmadow ayaa bartamaha u xaqiijiyay in dagaalku uu bilowday saaka aroortii iyadoo laisku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan.

War saxaafadeed saaka kasoo baxay madaxa warfaafinka wilaayada islaamiga ah ee gobollada jubooyinka Sheekh Xasan Yacquub Cali  ayaa lagu sheegay in ciidamo uu horkacayay Axmed Maxmed Islaam (Axmed Madoobe) oo xubin ka ah ururka xizbul islaam ay saaka aroortii dagaal ku soo qaadeen fariisin ay ciidamada xarakatu shabaabul mujaahidiin ku lahaayeen degmada xagar ee gobolka j/hoose.

Sheikh xasan yacquub ayaa intaasi ku daray in ay iska caabiyeen islamarkaasina dib u riixeen ciidamadii uu horkacayay Axmed Madoobe isagoo sheegay in ay ka dileen 6-qof. 

Waxaan weli wax war ah kasoo bixin garabka kale ee dagaalka kula jira xoogaga xarakatu shabaabul mujaahdiin waxaana lagu soo warmaayaa in dagaalku uu weli socdo lamana xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Dagaalka saaka ka qarxay degmada xagar ayaa ku soo beegmaya  xilli dhawaanahan diyaar garow dagaal iyo isu hub urursi laga dareemayay dhinacyada uu dagaalku saaka dhex maray oo in mudo ahba ku dagaalamayay gacan ku haynta maamulka guud ee gobollada jubooyinka.

Waxaana sidoo kale dhaqdhaqaaq ciidan oo kaa lamid ah laga dareemayaa deegaanka buulo xaaji oo isadana ay isku horfadhiyaan ciidamada xarakatu shabaabul mujaahidiin iyo urur diimeed la magac baxay Caanoole oo ay isku xulufo yihiin xoogaga uu horkacayo Axmed madoobe.

 

WIixii warar ah ee kasoo kordha dagaaladaasi kala soco www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: