Dagaal Qaraar oo Maanta ka qarxay Degmooyinka Shibsi,C/casiis iyo Kaaraan iyo dadka deegaanadaasi oo bilaabay Barkicii ugu balaarnaa.
Bartamaha(Muqdisho):-Dagaalkani ayaa saaka aroortii hore waxa uu ka bilowday Degmooyinka Shibis,C/Casiis iyo Kaaraan halkaasi oo ay weerarka goobo ay kula wareegeen ay ku soo qaadeen Kooxaha Al-Shabaab iyo Xizbul Islaam.Â
Dagaalka Saaka bilowday ayaa u Dhexeeyay dhinacyada Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya iyo Xoogaga Mucaaradka kuwaasi oo saaka dib u sii bilaabay in ay ku siqaan fariisinada Ciidamada Dowlada Fd soomaaliya gaar ahaan Sanca,Shibis iyo C/Casiis.
Xoogaga Alshabaab iyo Xizbul Islaam ayaa waxaa u suurtagashay in ay la wareegaan qeyba ka mida degmada Shibis iyo Daarta Sanca halkaasi oo ay fariisin adag ku lahaayeen Ciidamada Dowlada oo ay kaga saareen ka dib dagaal qaraar oo ka dhacay aagaasi.Â
Dadkii daganaa Degmada Shibis Ee Muqdisho ayaa maanta waxaa oo suu booqday Barakicii ugu ba’naa ee Muqdisho looga bartay iyadoo ay ahayd dagmada kaliya aan muqdisho laga qixin bilihii iyo sanadihii la soo dhaafay .
Dadka ayaa la arkayay iyagoo raja xumo ka qaba in ay sii joogaan degmadaasi dagaalka oo ku xoogaystay owgeed iyo dhawaqa madaafiicda oo ahaa mid aad u weynaa isla mar’ahaantaa ay madaafiic ku dhacayeen qeybo ka mida degmadaasi.Â
Barakacayaasha ayaa isugu jiray kuwa horay uga soo cararay dagaaladii ka socday Degmada Kaaraan iyadoo ay maantana ka soobarabaxeen Degamadi nabdoonayd ee Shibis iayadoo dadka deegaankaasi ahaana ay maanta u noqotay barakicii ugu horeeyay.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments