Calendar

Dagaal qaraar oo Caawa ka dhacay xaafado ka mida Woqooyiga Magaalada Muqdisho.

dagaBartamaha(Muqdisho):-Dagaal u dhexeeyay Xoogaga Islaamiyiinta iyo Ciidamada Dowlada ayaa caawa maqribnimadii waxa uu ka dhacay xafado ka mida Woqooyiga Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid xoogan kaasi oo Kooxaha Mucaaradka ay weerar saf balaaran ah ku qaadeen dhammaan aagaga ay isaga soo horjeedaan Ciidanka Dowlada Ee Degmooyinka Woqooyiga Muqdisho.

Daryanka Madafiicda iyo rasaasta ay isdhaafsanayeen Labada dhinac ayaa waxaa laga maqlayay inta badan magaalada Muqdisho taasi oo dagaalka ka dhigaysay mid dhawaanahan aan nuuciisa ka dhicin Deegaanadaasi.

Madaafiic u badan Hoobiyayaal ayaa waxaa lagu garaacay xaafado ka mida Degmooyinka Yaaqshiid iyo Boondheere halkaasi oo uu dagaalka si weyn u saameeyay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo yeeray Dowlada KMG ah iyo Kooxaha Islaamiyiinta ah ee dagaalka uu ku dhexmaray Deegaanada ka mida Woqooyiga Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: