Dagaal Muqdisho ka dhacay iyo Shacab ku dhamaaday.
Bartamaha (Muqdisho):- Dagaal xoog badan oo u dhexeeyay Alshabaab iyo Amisom ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday magaalada Muqdisho kaasi oo saaka aroortii istaagay.
Dagaalka Xalay ayaa waxa uu ka bilowday xaafadaha Degmada Boondheere ka gadaal markii Islaamiyiinta Alshabaab ay weerar qaawan ku qaadeen dhul balaaran oo ay Amisom saldhigyo ku lahayd.
Islaamiyiinta Alshabaab ayaa wax a ay weerar jiha walba uga qadeen wadooyinka ay daganyihiin Ciidanka Amisom sida Jidka Manaboliyo iyo Isgoyska Boondheere oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Amisom.
Dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda xooga badan ayaa saacada badan ka dhacayay wadooyinkaasi oo ay fooda isku dareen Alshabaab iyo Ciidanka Nabad Ilaalinta Ee Amisom oo garab siinayay kuwa Dowlada.
Dagaalka ayaa waxaa barbar socanayay madaafiic xoog badan oo ku dhacaysay Xaafadaha Woqooyiga Muqdisho sida Karaan,Shibis iyo Xaafada Suuq Bacaad Degmada Yaaqshiid Ee Muqdisho.
Madaafiicda ayaa waxa ay sabab ka dhigeen dhibaata culus oo gaartay dadka dagan Woqooyiga Magaalada Muqdisho oo duqeyn culus loo gaystay dhulka ay ku sugnaayeen iyadoo dad badan dhaawac iyo mayd ahaan loo qaaday.
Tirada dhimashada ayaa isa soo taraysa waxaana illaa saaka Isbitaalada la dhigay 15-ruux oo dhaawac ah halka 11-kale la sheegay in Xalay ay ku dhinteen Degmooyinka Woqooyi Ee Magaalada Muqdisho.
Dadka Xalay ku dhamaaday dagaalka ayaa waxa ay yihiin dhawaan kuwa shacab ah oo aan waxba galabsan waxaana la soo sheegayaa in si gaar ah loo garaacay deegaano badan oo ay shacab daganaayeen.
Xaalada ayaa dagan saaka waxaana lagu soo waramayaa in Islaamiyiinta Iyo Amisom ay isku horfadhiyaan dhulkii dagaalka xoogan uu ku dhexmaray ee Xaafadaha Woqooyiga Magaamada Muqdisho.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments