Calendar

Dagaal Muqdisho ka dhacay iyo Dowlada oo guul ka sheegatay.

dagalBartamaha (Muqdisho):- Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka Dowlada iyo Islaamiyiinta Mucaaradka ayaa Xalay ka dhacay Deegaano ka mida Muqdisho kaasi oo sababay qasaara kala duwan.

Dagaal u dhexeeyay Mucaaradka iyo Dowlada ayaa waxa uu Xalay ka qarxay xaafado ka mida Degmooyinka ku dhow Suuqa Bakaaraha oo ay isku qabteen Islaamiyiinta iyo Dowlada.

Dagaalka Xalay ayaa ahaa mid ay Xoogaga Islaamiga ah ku soo qaadeen wadooyinka Sayidka iyo Jidka Dabka  oo ka kala tirsan Degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodon ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ka dhacay wadada Sayidka ayaa sabab ka dhigay in Islaamiyiinta ay ku jabaan kaasi oo qasab ka dhigay in Mucaaradka laga qabsado dhufaysyo ay ku sugnaayeen oo ku yaalay Xaafada Shanta Geed Ee Wadada Sayidka.

Ciidanka Dowlada ayaa waxa ay qabsadeen dhul badan oo muhiim u ahaa difaacyada Islaamiyiinta ee ay ku difaacanayeen dhul badan oo ka mida Howl-wadaag iyo Degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha aagaga hore ee Degmooyinkaasi Dhamme C/qaadir Xuseen ayaa saxaafada saaka u sheegay in ay u soo bandhigayaan dadka maydadka Mucaaradka kaga carareen dhul badan oo ka mida Hodon iyo Howl-wadaag .

Masuulkaasi waxa uu ku faanay in ay joogaan wadooyinka gala Suuqa Bakaaraha islamarkaana ay ku sii dhawaanahaan xaafadaha suuqa Bakaaraha ku dhow si ay ula wareegaan goobo badan oo muhiim ah.

Guul sheegashada Dowlada Ee dagaalkii xalay iyo Xaalada oo dagan ayaa imaanaysa xilli dagaalada ka dhacaya deegaanada ku dhowdhow Bakaaraha  ay noqdeen kuwa iska joogta oo inta badan ku dhacaya deegaanada ay Dowlada ka taliso Ee Muqdisho.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: