Dagaal Maanta dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowlada Fd Soomaaliya isgoyska KM.4 Ee Magaalada Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho):-Â Dagaal qaraar oo u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowlada Fd Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Wadada KM.4 Ee Muqdisho.
Isku dhaca ayaa waxa uu ka dhashay howlgalo ay sameeyeen Ciidamada Darawiishta Dowlada Fd Soomaaliya oo la sheegay in ay 2-qari ka soo qaateen ilaalada wasiirka Beeraha Max’ed Xaabsade.
Ciidamada Daraawiishta ayaa la sheegay in ay maalmihii la soo dhaafay wadeen qorshayaal ay ammaanka wax uga qabanyeen kuwaasi oo ay wadooyinka ka qabanayeen Ciidamada dowlada oo aan wadan dareeska kuwaasi oo shacabka dhac kula dhaqaaqi jiray.
Ciidamada Ilaalada Xaabsade ayaa la xaqiijiyay in ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada Labada qori soo qaatay xilli ay ku sugnaayeen wadada KM.4 Ee Muqdisho.
Dagaal qaraar oo halkaasi ka dhacay ka dib ayaa waxaa soo qaxay dhimashada 2-askari iyo dhaawac 8-ruux oo badankood ahaa dad rayid ah oo ku sugnaa goobta gawaarida Ceelasha biyaha laga raaco.
Illaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska Ciidamada Daraawiishta iyo Wasiirka Beeraha Xaabsade oo ciidamadooda ay weerarka muuqday soo qaadeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments