Dagaal ka qarxay Buuralayda Galgala Ee Gobolka Bari.
Bartamaha (Galgala):- Dagaal xoog badan oo u dhexeeyay Ciidanka Puntland iyo kuwa Sheekh Atam ayaa ka bilowday deegaanada Buuralayda ah Ee Gobolka Bari.
Dagaalka ayaa bilowday barqanimadii maanta ka dib markii Ciidanka Daraawiishta Puntland ay Madaafiic ku baraaceen Buuraha Galgala halkaasi oo dagaal foolka fool ah uu ka qarxay duqeynta ka dib.
Dagaalka xoogiisa ayaa waxa uu ka dhacayaa dhul u dhexeeya Galgala iyo Deegaanka Karin halkaasi oo Cidianka Sheekh Atam  ay culeyska soo saareen waxaana jira deegaano badan oo ay ku siqeeyn Ciidanka Daraawiishta.
Dagaalka socanaya ayaa la sheegay in maanta uu hogaaminayo Gen. Cabdi Samad Cali Shire oo ah Madaxweyne Ku xigeenka Puntland deegaan ahaana ka soo jeeda dhulka dagaalka ka socanayo sida wararka sheegayaan.
Xaalada ayaa kacsan waxaana laga baqanaya in dagalaka uu wejiya bnadan yeesho islarkaana uu ku fido deegaano haatan nabad ah oo aanay ku xooganayn Ciidanka Wadaadka Mucaaradka noqday Ee Sheekh Atam.
Wixii ku soo kordha dagaalka socanaya kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska AFrika
Comments
comments