Dagaal ka dhacay Hareeraha Madaxtooyada Villa Somalia.
Bartamaha(Muqdisho):-Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Militariga iyo Booliiska Dowlada ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay wadooyinka soo gala Villa Somalia.
Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid xoogan oo u dhexeeyay Askarta Dowlada KMG ah markii ay isku khilaafeen lacago iyo Mobailo ay ka soo dheceen dadka dagan Xamarweyne.
Dagaalka ayaa ka dhexqarxay Booliiska iyo Militariga markii Ciidanka Ilaalada madaxtooyada ay dhac u soo geysteen qaar ka mida dadka dagan xamar jajab iyo Xamarweyne.
Dagaal kooban oo muddo yar socday ayaa ka dhacay wadada ka soo gasha Madaxtooyada dhanka Ceel Gaabta iyo wadada ka soo gasha dhanka Tiyaatarkii Qaranka oo labadaba ay u fariisteen Booliiska Ciidanka dhaca soo geystay.
Inta la ogyahay waxaa dagaalkaas ka dhacay hareeraha Madaxtooyada ku dhintay 2-askari oo ka kala tirsan labada ciidan waxaana jiray dhaawacyo soo gaaray qaar kale oo Ciidankaasi ah.
Muddo ka dib ayaa la xaqiijiyay in dagaalka ay kala dhexgaleen Ciidanka Amisom oo si gaar ah ammaanka Villa Somalia u suga kuwaasi oo kala ceyriyay Ciidanka dagaalamayay.
Inta badan Booliiska iyo Militariga ayaa waxa ay isku qabtaan shacabka la soo dhaco taasi oo qaar ka mida Ciidanka Dowlada ay shaqo ka dhigteen dhaca bulshada dagan dhulka ay dowlada maamusho.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments