Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan iyo Cabsi weli ka taagan Baladweyne.
Bartamaha(Kala-Bayr):-Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Xizbul Islaam iyo kuwa Dowlada ayaa shalay gabal dhicii ka dhacay Deegaanka Kalabayr Dagaalka oo ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac kala gaartay dhinacyada dagaalka uu u dhexeeyay.
Dagaalka oo aan la ogayn qasaaraha uu geystay ayaa waxa uu sabab ka dhigay in wadada Kalabayr ay noqoto mid cidla ah oo ka baxda faraha labada koox gaadiidkuna ay caadi u maraan.
Saraakiil u hadasdhay dhanka Xizbul Islaam ayaa waxa ay sheegeen in ay isbaaro sifayn u tageen kalabayr guulna ay ka gaareen qaadida Isbaarada taalay Deegaankaasi Kalabayr ee Gobolka Hiiraan.
Wadada ayaa saaka ah mid cidla ah waxaana laga baqanayaa dagaal ka dhaca dhanka garoonka Magalaada Baladweyne oo ay soo gaareen Ciidamada Dowlada oo u muuqada kuwa duulan ku ah Magaalada Baladweyne.
Cabsi iyo qalqal dagaal ka dhaca Magaalada Baladweyne ayaa laga dareemayaa guud ahaan Magaaladaasi waxaana dad badan ay bilaabeen in ay isaga fogaadaan xarumaha maamulka Baladweyne.
Wixii warar ah ee ku soo kordha Xaalada Gobolka Hiiran kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments