Calendar

Dagaal iyo duqeyn saaka hurdada looga toosiyay dadka ku haray Deegaanada Woqooyiga Muqdisho.

SOMALIA-CONFLICT/BARTAMAHA(Muqdisho):-Dadka tirade yare e ku haray Xaafadaha Woqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa saaka hurdada looga toosiyay dagaal xoogan oo ka dhacayay Deegaanadaasi.

Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo Islaamiyiinta Alshabaab oo inta badan awood ku haysta Deegaanada Woqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid aad u xoogan kaasi oo inta badan Muqdisho laga maqlayay daryanka rasaasta iyo madaafiicda ay isdhaafsanayeen Labada dhinac.

Tira Madaafiic ah ayaa waxa ay ku dhacday xaafado ka baxsan goobaha dagaalada ay ka socanayeen iyadoo dad badan ay waxyeela ka soo gaartray dagaalka iyo duqeynta saaka dhacday.

Inta la ogyahay dagaalka saaka dhacay waxaa ku dhintay 4-ruux iyadoo in ka badan 7-kale dhaawac ahaan loola cararay Isbitaalka Kaydsaney Ee dhaca Duleedka Muqdisho.

Xalada ayaa caadi ku soo noqotay barqanimadii maanta iyadoo aanay dagaalkaasi wax natiija ah ku kala gaarin labada koox eek u dul dagaalantay shacabka kuwaasi oo weli ku kala sugan aagii uu dagaalka ka bilowday.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: