Calendar

Dagaal iyo duqeyn isla socday oo saaka ka dhacay Xaafadaha Woqooyiga Muqdisho.

dagaallkaaBartamaha(Muqdisho):-dagaal ayaa saaka ka dhacay xaafadaha woqooyiga Mgaalada Muqdisho halkaasi oo ay isku qabteen Islaamiyiinya iyo Ciiidanka  Dowlada.

Dagaalka saaka ka dhacay xaafado ka mida Woqooyiga Muqdisho ayaa waxa uu ahaa mid si fudud ku bilowday wallow uu isku badalay dagaal xoogan oo muddo socanayay.

Islaamiyiinta Mucaaradka ayaa waxa ay weerar  ku qaadeen fariisinada Ciidamada Dowlada ee dhammaan aagaga la isku horfadhiyo woqooyiga Muqdisho halkaasi oo dagaal qaraar uu ka dhacay.

Dagaalka ayaa waxa uu ahaa markii hore mid la isdhaafsanayay rasaasta fudud wallow madaafiic markii danbe la isku weydaarsaday xaafadaha la isku horfadhiyo Ee Degmooyinkaasi.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Degmooyinka Kaaraan,Shibis,Boondheere iyo xaafado ka mida Degmada Wardhiigley halkaasi oo dagaal iyo duqeyn ba’an ay ka dhacday.

Qasaaraha dagaalka ayaa isa soo taraya iyadoo la xaqiijiyay in ay ku nafwaayeen 4-ruux 6-kalana ay ku dhaawacmeen sida laga soo xigtay gawaarida gurmadka deg deg ah ee ka shaqeeya Magaalada Muqdisho .

Xaalada aya hadda ah mid dagan iyadoo labada koox ee dagaalantay ay kala joogaan goobtii ay isku dirireen maadaama dagaalada dhawaanahan dhacayay uu ahaa mid qasaara oo kaliya laga helo oo aan gooba lagu kala qabsan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: